Maxaa Xiligaan ka Dhigay Somalia Mid u nugul Musuqa kana Dhigay Mid lagu Hogaamiyo..

Somalia news

Intii dhidibada loo taagan Nidaamka Dowladeed ee Federaaleynta qabyada ah, waxaa Dalkaan la degay Musuqa iyo Nin Jecleysiga, Iyadoo Xilalka Dowlada lagu abaal mariyo Shaqsiyaad aqoontoody hooseyso, kuwaasoo ku dhiirada iney dhacaan Hantida Dadweynaha ee Canshuurta Caasimada laga qaado…

Dalkaan ayaa la xaqiijiyay in Boobka Hantida iyo wax is daba marintu ay dhaqan ka noqdeen dhinac kasta oo nolosha ah, Iyagoo Hogaamiyaha uu astaan u noqon tusaale Taajirnimo kuna dhiirado inuu kaadiriintiisa iyo Taageerayaashisa ku tixo ilaha dhaqaalaha si ay dhacaan.

Iyadoo Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda ay mudooyinkii ugu dambeeyay hadal heyn jeesjees ah ka dhigteen la-dagaamka Musuqa, walow talaabaasi aysan wax ka bedelin weli in Somalia ay tahay Dalka ugu musuqmaasuqa badan marka la fiiriyo warbixinta sanadlaha ah ee Hey’adaha Daah furnaanta Dunida.

Dhammaan falalka ka dhanka ah dimuqraaddiyadda iyo musuqmaasuqa ayaa meel sare gaaray, Wakiilada Beesha Caalamku waxey ku kabaan Miisaayada Dowladda oo ay ku jirto $5,936,316.23 oo kaalmo dibadeed ah, taasoo aan meelna lagu sheegi karin sanadka 2020, sida ku cad baaritaanka uu sameeyay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud (XHG).

In kasta oo shantii sano ee la soo dhaafay la arkayay tallaabooyin laga qaaday tiro yar oo ka mid ah saraakiisha musuqmaasuqa ku kacay ee aanan heyn Masúuliyad sare, waxa ay ahayd mid is tustus ah oo si aan looga hortagin boobka iyo musuqmaasuqa nidaamka ku dhisan.

273500cookie-checkMaxaa Xiligaan ka Dhigay Somalia Mid u nugul Musuqa kana Dhigay Mid lagu Hogaamiyo..