Turkey Oo Soo Gabagabeeyay Wada Hadal

World

Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Ee Turkey ayaa sheegay iney guul ku soo dhamaadeen Wada hadal ay la yeesheen 91-dal oo ay Somalia ku jirto sidii dib loogu bilaabi lahaa Duulimaadyadii ay ku tegi jireen Diyaaradaha Turkish Airways….

Mr.Adil Karaismailòglu oo Bataan uu soo saaray ku sheegay in Xukuumada Ankara ay sii wadi doonto Duulimaadyada Jadwalka leh iyo kuwo aan wakhtiga laheyn ee 48-dal oo ay Somalia ka mid tahay, iyadoo Dowladda Turkey ay dhowaan sheegtey iney dib u furtay Duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee Turkish Airways.

Diyaarada Turkish Airways oo ka mid aheyd Diyaaradaha tooska u tegi jiray garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Muqdishu, isla markaasna joojiyay Duulimaadyadii Sababo la xiriira Cudurka Safmareenka ah Ee COVID-19, iyadoo Xukuumada Muqdishu ay biliwgii bishaan dib u furtay Duulimaadyadii Caalamiga ahaa.

54450cookie-checkTurkey Oo Soo Gabagabeeyay Wada Hadal