Turkish Airlines Oo Joojisay Duulimaadyadii Somalia.

Health

Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa waxay qaaday tallaabo ay si ku-meel-gaar ahi ugu joojineyso duulimaadyadeedii Magaalada Muqdisho, kadib markii la xaqiijiyay in hal qof laga helay Cudurka caabuqa ee Coronavirus…

Amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya ayaa lagu sheegay in Somaliya ay joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray, si lagula dagaalamo faafitaanka Coronavirus. Xanibaadda ay soo rogtay Xukuumadda Muqdisho oo shan iyo toban cisho qaadan doonto ayaa lagu wadaa inay dhaqangasho habeenka Arbacada, oo taariikhduna ay ku beegan tahay 18-ka bishan.

Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa war qoraala oo xalay ka soo baxay ku sheegtay in duulimaadyadii Turkish Airlines ee Magaalada Muqdisho hakad la gelin doono muddo shan iyo toban maalmood ah, ayna bilaaban doonto, ka dib marka ay saaka duulimaadkii ugu dambeeyay uga amba-baxdo Magaalada Muqdisho, iyadoona rakaabka gayn doonto Magaalada Istanbul.

“Xanibaadda lagu soo rogay diyaaradaha ayaa qayb ka ah ka hortagga faafitaanka COVID19, Dowladda Federaalkana waxay sheegtay in la joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa, oo ay ku jiraan duulimaadyada bani’aadanimada, laga bilaabo maalinta Arbacada ee 18-ka March.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaaradda.

Warka ayaa lagu yiri “Turkish Airlines waxay hakineysaa duulimaadyadii Muqdisho shan iyo tobanka cisho ee ina soo aadan, duulimaadkii ugu dambeeyay ee loo qorsheeyayna waxaa lagu taggayaa Istanbul, subaxnimada March 17.”

22660cookie-checkTurkish Airlines Oo Joojisay Duulimaadyadii Somalia.