Maqaal Caafimaad:- Dibirada badan ee Caloosha & Sida Loo Yareeyn karo..

Health Somalia news

Khabiirada Caafimaadka ayaa isku raacsaj in Dibiradu Bukaanka ay Caafimaad darro, iyadoo Dareenka dharagta ama ciriiri aagga caloosha ah inta badan ay weheliyaancalool xanuun, majiiris iyo naqas Bukaanka uu ku dhego, Iyadoo Bukaanada qaarkood aysan dareensaneyn in Cudurkaan uu dhib u keeni karo Caafimaadkiisa..

Culimada Caafimaadka ayaa isku raacaan in sababaha ugu caansan ee keena dibirada badan waxaa ka mid ah, Raashinka oo la iska badiyo, in si dhakhso ah loo cuno iyo noocyada kala duwan Cunnooyinka lala xiriiriyo dibirada, waxaa talo ahaan Dhakhaatiirka u soo jeediyaan Qodobadaan:-

Ruugista Raashinka: Raashinka oo si boobsiis ah loo cuno isla markaasna aan si wanaagsan loo shiidin ay keentaa dibbiro, Tani waxay dheecaan burburiyeyaasha dheefshiidhiidkaaga u fududaynaysaa inay si fiican u burburiyaa  cunnada, taasoo yaraynaysa fursadda dibirada.

Raashinka Dibirada Keena: Waxaa jira noocyo cunnooyinka ka mid ah oo dadka qaar ku keena dibiro. Cunnooyinkaas waxaa ka mid ah, digirta, misirta, khudradda broccoli-da, kaabajka, cabbitaannada aashitada leh iyo macaanka samayska ah. Fiiro gaar u yeelo sida jirkaagu uga falceliyo cunnooyinka kala duwan, aqoonso, kana fogoow kuwa aad aragto inay kugu kiciyaan dibirada.

Xadid Cusbada: Milixda oo jirka ku badata waxa ay keentaa in jirku uu keydiyo biyaha taas oo keenta dibiro, Iska yaree milixda kuna beddelo waxyaabaha kale ee dhadhanka cunnada lagu wanaajiyo sida dhirta dabiiciga ah. Ka fogoow cunnooyinka warshadaysan waxaa ku badan milixda.

Cabista Biyo Badan: Cabista biyo kugu filan maalintii oo dhan waxa ay sifaysaa sunta waxayna ka hortagaa in jirka uu keydiyo biyaha taas oo ka qaybta qaadata dibirada caloosha, ku dadaal inaad cabto ugu yaraan 8 Galas oo biyo ah maalin kasta si jirkaagu u ahaado mid qoyan islamarkaana aad u kobciso caafimaadka dheefshiidkaaga.

Jimicsiga joogtada ah: Dhaqdhaqaaqa jirka wuxuu ka shaqaysiiyaa murqaha caloosha, isaga oo kobciya caafimaadka dheefshiidka, dibiradana yareeya. Jimicsi ka dhigo caado joogto ah sida ruclaynta iyo socodka lugta si aad u xoojiso caafimaadka habdhiska dheefshiidkaaga.

296090cookie-checkMaqaal Caafimaad:- Dibirada badan ee Caloosha & Sida Loo Yareeyn karo..