Caadooyinka Qofka u Horseedi Kara Cimri-Dhereerka & Kuwa Keena Qabowga Deg-Dega ah..

Health World

Cilmi-Baarisyo iyi tijaabooyin hore sameeyay ayaa daaha ka rogay in in Hab-nololeedkeennu Qofka uu kaalin muhiim ah ka qaato cimridhererkiisa iyo in aan da’da u jabin, Khubarada Caafimaadka ayaa xaqiijiyey in hab-nololeedka Qofka iyo Raashinka uu cunaa ay u horseedi karaan cimridherer iyo in aanay da’du fadhiisin ama sabab u noqon karin inuu isaga da’ yar isku arko hawlgab iyo tacabka gabowga lagu yaqaano…

Dadku isku abuuris ma aha, way ku kala duwan yihiin muqaalka, dad baa dhaxal ahaan dhakhso u gabooba, dadna da’du kama muuqato, laakiin waxa jira waxyaabo la isku waafaqsan yahay oo cimri dag-dag qofkana ku keeni kara ayna muhiimku tahay in laga fogaado intii la awoodo, kuwaasi markaaba kasoo saaraya astaamaha gabawga iyo cimri deg-degga waxaana ka mid ah.

-Cunista Sokorta iyo Dufanka badan

-Balwada iyo soo jeedka badan ee Habeenkii

-Borotiin yarida iyo Vitamin-nada

-Fekerka badan iyo Welwelka

-Isticmaalka badan ee Dawooyinka Wajiga lagu qurxiyo

-Fuuq baxa iyo Jimicsi la’aanta

Baarayaasha ayaa tijaabo (Analysis) u soo qaateen Dad da’doodu u dhexeyso 80 ilaa 100 sano oo aan maskax ahaan lagu arkin isku dhex yaac iyo dhibaatooyinka gabowgu maskaxda ku keeno, Baarista ay ku sameeyeen ayeey ku ogaadeen in dabeecada ay dhamaan Dadkani wadaagaan ay tahay iney ahaayeen Dad niyad wanaagsan oo mar kasta nolosha dhinaca fiican ka eega.

Iyadoo hore loo ogaa in balwadaha ay ka mid yihiin jimicsi la’aanta, cabitaanka badan ee bunka iyo cuntooyinka dufanku ku badan yahay, gaar ahaan cuntada fudud / degdegga ah ay keenaan gabow, waxaa Daraasadani intaasi raacisay in in shucuurta nafsiga ah ee qofkuna ay qayb ka tahay arrimaha cimridhererka horseeda

Bare-sare Emily Rogalsky oo ka hadlaysa natiijadan cilmiga ah ee la helay ayaa waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Qofka oo dhinaca fiican nolosha ka eega iyo niyadsamaantu waxa ay ka mid tahay hababka ugu fiican ee uu qofku iskaga ilaalin karo niyad xumada, iyo isbedellada ka dhasha gabowga”

Afkaaraha wanaagsan iyo dhaqdhaqaaqa shaqo ee maskaxdu samaynayso ayaa ah jimicsi maskaxda ka ilaalinaya raadadka ka dhasa gabowga, Ugu dambayntii waxa ay khubaradu sheegeen in dadka iska ilaaliya Problemada Qoyska & Raashinka dufanka ba ay u horseedi karasn Cimri degdeg (Gaaban).

293560cookie-checkCaadooyinka Qofka u Horseedi Kara Cimri-Dhereerka & Kuwa Keena Qabowga Deg-Dega ah..