Waxaa aad u soo kordhaaya cadaadisyada iyo culeys saarka ay ku hayaan Golaha Badbaadada Qaran, Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Midowga Africa, Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday (Farmaajo), kaasoo weli iska dhex fadhiya Madaxtooyada Villa Somalia kadib markii muddo xileedkiisu dhamaaday 8-dii February Sanadkaan…
Dhinacyadaan ayaa la sheegay iney ka war heleen in Farmaajo iyo xulafadiisa ay qorsheeyeen in wada hadalada u dhaxeeya Maamulka iyo Madaxda Gobolada iyo Saamileyda Siyaasada Wakhtiga lagu lumiyo is-jiid jiid Khilaafka Doorashada kaasoo lagu wado inuu furmo 20-ka Bishaan May, lana gaarsiiyo ilaa bisha July Sanadkaan, kadibna ay Kooxda Farmaajo qorsheysteen in Doorashada dadban ee Somalia la qabto bisha Oktober Sanadkaan.
Dhanka kale, Waxaa socda Qorshe cad oo ka soo horjeeda jadwalkaan ay Kooxda Farmaajo dhigteen, kaasoo salka ku haya in Farmaajo culeys lagu saaro inuu u jiheysto dhanka ka bixitaanka Masraxyada Siyaasada Dalka, laguna cadaadiyo inuu is-casilo bacdamaa uu xiligaan caqabad ku yahay geedi socodka Nabada, Amaanka iyo xalinta Khilaafka Doorashada.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Madaxa AU-da Ee Amisom Ambassador Francisco Madeira ( Mozambique), Babatunga Taiwo (Nigeria) Madaxa Xafiiska Siyaasada Amisom, Danjiraha Qatar Hasaan bin Hamza Hashem iyo Danjiraha Ethiopia Ee Somalia ayaa lagu eedeeyay iney caqabad ku yihiin geedi socodka Nabada, Amaanka iyo xalinta Khilaafka Doorashada, waxeyna si cad ula safteen Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.