Ma Dhabaa In Dhismaha & Doorashada Hir-Shabelle Villa Somalia Laga Carqaladeynaayo

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu carqaladeynaayo Qaab-dhismeedka Maamulka Hir-Shabelle, wuxuuna dejiyay qorshe isbadal loogu sameynaayo in Hogaanka Sare ee Maamulkaasi gaar ahaan kan Madaxweynaha….

Qorshahaan ayaa la sheegay in la isla meel dhigay, iyadoo Lagu wado in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle lagu wado in loo magacaabo Madaxweyne kuxigeenka Mr.Cali Guudlaawe oo ka soo jeeda jufada Warsangeli Ee Beelaha Mudulood, Halka lagu wado in Madaxweyne kuxigeen loo diyaariyay inuu noqdo Xubin ka soo jeeda Beesha Xawaadle.

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Mr.Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo kamid ah Qabqablayaasha ku xiran Ethiopia ku leh la geeyay Villa Somalia, isagoo laguna qanciyay in la siiyo xilka Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo dhaqaale lagu qiyaasay 1-million US$ah, isagoo aqbalay yaboohaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Qorshahaan ayaa ka mid in Musharixiinta Beesha Xawaadle aan Sanadkaan lagu darin Mr.Cali Cabdullahi Cosoble Cabdulahi Sanbaloolshe iyo xubno kale oo Mucaarad ku ah Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Ee Muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay.

66120cookie-checkMa Dhabaa In Dhismaha & Doorashada Hir-Shabelle Villa Somalia Laga Carqaladeynaayo