UAE Oo Deeq U Soo Direysa Somalia

Health

Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ah madaxweyne ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha Imaaraadka Carabta iyo amiirka Dubai, ayaa amar ku bixiyey in diyaarad gargaar sidda loo soo diro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo Loo Marsiinaayo Hey’addaha UN-ka…..

Gargaarkan, oo dhan 35 tan, ayaa sida la sheegay qeyb ka ah dadaalka ururka caafimaadka adduunka ee WHO uu kaga jawaabayo cudurka COVID-19, iyo dadaallada haya’dda qaxootiga adduunka ee UNHCR ay ku caawineyso dadka ay daadadka ku saameeyeen Soomaaliya.

Nadia Jbour, oo ah madaxa UNHCR ee Imaaraadka Carabta, ayaa sheegtay in gargaarkan uu caawin doono kumanaan qof oo daadadka ay ku barakiciyeen gudaha Soomaaliya.

“Tan iyo bilowgii sanadkan, in ka badan 200,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, waxaana ka cabsi qabnaa in xaaladdan oo lagu daray cudurka COVID-19 ay yeelan doonto cawaaqib burbur leh,” ayey tiri.

33940cookie-checkUAE Oo Deeq U Soo Direysa Somalia