Cudurka Shuban Biyoodka oo ka Dilaacay Degmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan..

Health Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buulo burde ayaa sheegaya in Cudurka shuban Biyoodka uu dilaacay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan kaasoo dilay lix caruur ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Degaanka 30 kale oo Caruur ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku jiraan xaalad halis ah, kuwaasoo lagu daweynayo Isbitaal ku meel gaar ah…

Wararka ayaa sheegaya in xaaladan naxdinta leh ayaa keentay in gurmad Caafimaad oo deg deg ah lala soo gaaro, Xildhibaan Maxamed  Ibraahim Macaliimow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kana soo jeedo gobolka,  ayaa codsaday hay’adaha caafimaadka ee dalka iyo kuwa caalamiga ah inay gacan ka geystaan ​​badbaadinta ubadka dhibaataysan, lana xakameeyo fiditaanka cudurka.

Cudurkan dilaacay ayaa walaac laga muujiyay  inuu ku sii faafo Degaanada Gobolka iyo in loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto si looga hortago in dhibaato kale ee soo wajahan, Maamulka caafimaadka maxalliga ah ayaa si firfircoon uga shaqeynaya xakameynta faafitaanka cudurka, bixinta daryeel caafimaad dadka ay saameeyeen iyo fulinta tallaabooyin ka hortag ah oo lagu xakameynayo fiditaanka Shuban Biyoodka, Isbitaalka  magaalada Buulaburde ayaa hadda ah xarunta lagu daweynayo carruurta dhibaateysan, loogana hortagayo in xaaladdu ay sii xumaato.

300330cookie-checkCudurka Shuban Biyoodka oo ka Dilaacay Degmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com