Gabood-falada & Tacadiyada ay Argagixisadu ku hayaan Dadka Rayidka Ee Gobolada dhexe oo Korortay

Somalia news

Muddo bilooyin ah ayaa waxaa la diiwaangelinayay tiro badan oo tacadiyo iyo dhibaatada joogto ah oo Dadka Rayidka ee degan Gobolada dhexe ee Dalka oo ay kala kulmayaan Kooxda argagixisada Shabaabka, kuwasoo laba jibaaray dhibaatooyinkaasi…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Dadka Rayidka ah ee ku nool 40-50 Tuulo oo ka wada tirsan Gobolada Hiiraan, Galguduud iyo Mudug ay la kulmayaan Culeysyo dhanka amniga ah, iyadoo tiro kor u dhaafeysa 70-Qof oo isugu jira Odayaal, Dhalinyaro, Hooyooyin iyo Caruur ay afduubteen kooxda argagixisada.

Horjoogayaasha Kooxdani ayaa joogteysay dhibaatada ay ku heyso dadka ku nool deggaanada miyiga ee gobolada kor ku xusan, waxeyna isugu dareen, iney ceelasha ka duugaan, burburiyaan Baraagaha iyo iney gubaan Guryahoodii ay dadkaasi ku noolaayeen halka qaar kale ku qasbeen iney ka qaxaan.

Shalay oo ugu dambeysay waxey qarax miino la eegteen gaari ay saarnaayeen Dad socoto ah, halkaasna waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waana walaac hor leh oo la soo gudboonaaday bulshada Gobolada dhexe ku nool.

Weeraradan Kooxda Shabaabka ayaa sida la aaminsan yahay jawaab u ah, diidmo iyo iska caabin ay kala kulmeen dadka deggaanadaasi ku nool, oo xamili waayey dhaca hantidooda, Afduubka Dhalinyarada iyo xasuuq wadareedyada argagaxa leh ee ay kooxdu geysaneyso.

212740cookie-checkGabood-falada & Tacadiyada ay Argagixisadu ku hayaan Dadka Rayidka Ee Gobolada dhexe oo Korortay