UAE Oo Hakad Gelisay Dhismaha Berbera..

Politics

Maamulka UAE ayaa la sheegay iney hakad geliyeen dhismaha Saldhig Milatari oo ay ka wadday Magaalada Berbera ee Waqooyiga Soomaaliya…

Saldhiggan oo ku yaalla duleedka Magaalada Berbera ayaa waxaa Imaaraadka u ogolaaday Xildhibaanada Golaha degaankaasi ee Somaliland oo 12kii Feb, 2017 ansixiyay in Imaaraadka saldhig Ciidan ka dhisan karo halkaas.

Wargeyska The National ee ka soo baxa Dalka Imaaraadka Carabta ayaa qoray in Dowladda Imaaraadka joojisay dhismaha Saldhiggaas oo ka mid ahaa mashruuca Imaraadka ee Dekadda Berbera, mana sheegin sababta loo hakiyay.

Berbera waxaa ay 300km u jirtaa Dalka Yemen halkaas oo ay Ciidanka Imaaraadka Carabta uga jiraan dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.

Sidoo kale Imaaraadka waxaa uu Saldhig Ciidan ku leeyahay Dekadda magaalada Casab ee dalka Eritrea halkaas oo uu ka dhistay Sanadkii 2015kii.

20280cookie-checkUAE Oo Hakad Gelisay Dhismaha Berbera..