Isbedel Lagu Sameeyay NISA-da Gobolka..

Politics

Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Madaxii Nabad-Sugiida gobolka Banaadi Ibraahim Macallin.. iyadoo lagu bedel sarkaal kale.

Agaasimaha ayaa xilkan u magacaabay nin lagu magacaabo Ciise Maxamed Ciise, Lama Sheegin wax sabab ah oo Ibraahim xilka looga qaaday, waxaana wararka ay sheegayaan inay qeyb ka tahay is-beddelada shaqo ee hay’adda ku socday bilihii dhowaa.

Hay’adda NISA ayaa martay is-beddelo dhowr ah oo kala duwan tan iyo markii uu hoggaankeeda qabtay Adeege Fahad Yaasiin, kuwaasoo la sheegay in xubno badan oo Horjoogayaal Shabaabka ah ay ku biireen Hey’adda.

20100cookie-checkIsbedel Lagu Sameeyay NISA-da Gobolka..