Dowladda Ingiriisku waxay aad uga soo horjeeddaa in cunaqabataynta hubka laga qaado Somalia, Maxaase dal horseed ka ahaa in Dalkaan laga saaro ku meel gaarnimada si shirkadihiisu heshiisyo shidaal ula saxiixdaan haddase waxaa ku qasbay inuu u ololeeyo in Somalia aysan yeelan awood ay hub ku soo iibsan karto..
2012kii markii Somalia ay ka baxday ku meelgaarka, Ingriirku wuxuu ka mid ahaa Midowga Yurub. Xubinnimadaas waxay u fududeysay inuu horseed ka noqdo jiheynta siyaasadda Dalkaan, isagoo kaashanaya Ganacsato Ruush ah oo lacagtooda ku maalgalinayay heshiisyada shidaal baaris ay shirkaddii Soma Oil la gashay.
Siyaasadda Ingiriisku laba weji ayay lahayd: 2016kii Maamulkii Xasan Sheekh waxaa lagu eedeeyay iney xilal u dhiibtay Saraakiil ciidan shuucigii uu soo tababbaray, iyo in ciidammada maamul Gobolada ka tayo-wanaagsan yihiin kuwa dowladda Federaalka.
Ayaan darrse 4-tii sano ee u dambeysay Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa dhisay Ciidamo magacyo dhowr ah loo kala bixiyay kuwaasoo tayadoodu aad u hooseyso, Dowladda UK ayaa la sheegay in Ciidamada Maamulka Konfur galbeed ay qaateen Qandaraaska lagu tababaraayo haatan waxey qorsheynayaan in Sanadka cusub la wareegaan Tababarka iyo Maamulka Ciidamada Danab ee Balidoogle.
Midowga Yurub xubnihiisu aad ayay ugu riyaaqeen sida Ruushku isu hor istaagay hindisaha Ingiriiska si cunaqabataynta hubka saaran Somalia loo kordhiyo. Safiir hore ee Ingriiska u joogay Muqdisho ayaa u sheegay mid ka mid ah madaxda xisbiyada Muqdisho in “go’aanka Biritayn kaga baxday Midowga Yurub uu saameeyay siyaasadda Arrimaha dibedda ee Ingiriiska”.