Dowlado Shuruudo Adag Ku Xiray Maalgelinta Doorashada

Somalia news

Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa iney hesho dhaqaale dhan 3,7 Million US$ oo loogu talo galay Maalgelinta Doorashada, bixinta dhaqaalahaan ayaa lagu xiray shuruudo adag oo laga doonaayo iney fuliyaan Dowladda Federaalka iyo Maamulada Gobolada…

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Soomaalida lagu eedeeyay iney ka caga jiidayaan qabashada Doorashada, Qoraal loo diray Ra’iisul wasaaraha, Madax goboleedyada iyo Guddiyada doorashada heer federaal iyo heer gobol ayey safiirada dalalka Mareykanka, Norway iyo UK ku cadeeyeen in la dedejiyo qabashada Doorashada lana dhowro Kootada Haweenka.

Waxaan aad uga walaacsannahay kalsoonida iyo jadwalka hanaanka doorashada ee sida aadka ah dib ugu dhacay,” ayaa lagu yiri qoraalka, Saddexdan dal ayaa madaxda Soomaalida ku wargeliyay in dhaqalahaan ay kala bixin doonaan laba jeer, oo kala ah, oo tan koowaad ay tahay:-

a)- Marka doorashada ay si macno leh oo la isku haleyn karo uga bilaabato ugu yaraan saddex maamul goboleed.

b)- Marka dhammaan lacagta murashaxiinta Xildhibaannimo lasoo xareeyo, islamarkaana la xaqiijin karo qaabka loo istcimaalay.

Qeybta labaad ee lacagta ayey Mareykanka Norway iyo UK sheegeen inay bixin doonaan:-

1 – Marka ugu yaraan saddex meelood laba meel kuraasta golaha shacabka lagu soo doorto dhammaan goobaha codbixinta.

Waxaa intaas dheer oo ay dalbadeen sharaxaad ku saabsan in laga soo baxay waajibaadka lagu xaqiijinayo qoondada haweenka oo ah 30%.

151290cookie-checkDowlado Shuruudo Adag Ku Xiray Maalgelinta Doorashada