NISA Oo Lagu Eedeeyay Iney Dayacday Dhalinyarada Ka Soo Goossta Shababka

Somalia news

Macluumaad welwel iyo cabsi xambaarsan ayaa laga soo sheegaya in habeen hore saqdii dhexe koox aad u hubeysan oo lagu tuhmaayo iney ka tirsan yihiin Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka ay hoygiisa ka afduubteen xubin horey uga tirsanaa Kooxda iskuna soo Dhiibay Dowladda Federaalka..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Saciid Seerjiyo Oo degenaa xaafada Ex Raaradka oo aad ugu dhow Xarunta Wasaarada Gaashandhigga laga Afduubtay Gurigiisa, iyadoo xiligaas la sheegay inuu ku qeylinaayay “Ii Gargaara isagoo ooynaaya “ inkastoo aan cidna u soo gurman, ilaa hadda lama yaqaano halka ay la aadeen Kooxda Afduubtay.

Dhacdadaan ayaa u muuqata mid la yaab iyo amakaag leh, iyadoo Su’aalo badan la iska weydiin doono Kiiskaan Afduubka ah, waxeyna xiisad cusub iyo fadeexad ka dhex abuuri doontaa Hanaanka iyo la macaamilka Dhalinyarada iska soo dhiibta Kooxda Argagixisada Shababka.

151210cookie-checkNISA Oo Lagu Eedeeyay Iney Dayacday Dhalinyarada Ka Soo Goossta Shababka