UN-ka Oo Baadi-goob ugu jirta Qaraan Lacageed ee Howlgalka AUSSOM.

Africa News Security Somalia news World

Warbixin hordhac ah ayaa muujineysa in Qaramada Midoobay ay baadi goob ugu jirto $41.6 Millions oo dheeraad ah si loo buuxiyo farqiga miisaaniyadeed ee  Howlgalka Taageerada Xasiloonida Somalia ee Midowga Afrika (AUSSOM), sida lagu sheegay warbixin uu Xoghayaha Guud soo saaray…

Wararka ayaa sheegaya in miisaaniyada la cusboonaysiiyay ee howlgalka AUSSOM ayaa haatan lagu qiyaasay $166.5 Millions, taasoo hoos uga dhacday qiyaastii hore oo ahayd $190.2-Millions, Isbedelkaan ayaa yimid kadib markii Midowga Afrika uu mushaarka askariga howlgalkan ka dhigay $828, halkii markii hore loo qoondeeyay in lagu saleeyo $1,000.

Waxaa la xaqiijiyay ilaa hadda oo la helay qaaraan gaaraya $14.5 Millions, oo ay ku jiraan $10-Millions oo laga helay Sanduuqa Nabadda ee AU iyo $4.5 milyan oo deeq ah oo ka timid Japan iyo Konfurta Korea. Taasoo ka dhigan in weli la raadinayo $27-Millions oo dheeraad ah, Warbixintu waxay muujisay in HowlgalkaAUSSOM uu helay taageero dhaqaale oo kooban, iyadoo uu mugdi ku gedaaman yahay hanaanka maalgelinta taasoo caqabad ku ah helitaanka deeq cusub.

Howlgalka AUSSOM ayaa la daalaa dhacaya dhaqaale xumo xilli ay jiraan khataro amni, iyadoo kooxda Aargagixisada Shabaabka ay weli tahay mid khatar weyn ku ah amniga Dalka, maanta ayaa la filayaa in Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iney is-weydaarsadaan aragtiyo ku aadan maalgelinta mustaqbalka AUSSOM iyadoo la tixraacaayo qaraarka 2719.

372150cookie-checkUN-ka Oo Baadi-goob ugu jirta Qaraan Lacageed ee Howlgalka AUSSOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *