Maamulka Galmudug Oo La Eedeeyay

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa Qaar ka mid ah ganacsatadda magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo ka cabanaya inaan weli la siinin Dhaqaale adeegyo looga qaaday intii uu socday shirkii maamulka Galmudug uu ku qaabtay magaalada ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada….

Wararka ayaa sheegaya in Ganacsatada iyo dowlad goboleedka Galmudug oo iskaashanaya ayaa si maamuus sare leh u marti sooray madaxdii iyo marti sharafkii kala duwanaa ee 11-kii iyo 22-kii bishii July 2020 ka qeyb galay labadii shir ee Dhuusamareeb 1 iyo Dhuusamareeb 2.

Dhaqaalahaan ganacsatada ay sheegeen inay ka maqan tahay ayaa looga qaaday waxyaabo ay ka mid yihiin Saadka, Sahayda iyo adeegyadii kale ee ku baxay shirka, kuwaasoo qaarkood deyn ahaan looga qaatay, iyadoo la sheegay in dib loo siin doono.

Ganacsatada ayaa sidoo kale walaac kamuujiyay in Madaxweyne Qoor Qoor uu xitaa uu awoodi waayey inuu bixiyo lacagihii maalinlaha ahaa ee ay ku shaqeynayeen gabdho uu maamulka caasimadda Dhuusomareeb soo aruuriyey oo adeeg isugu jira cunto karin iyo nadaafad u sameynayey martida.

52640cookie-checkMaamulka Galmudug Oo La Eedeeyay