Xildhibaanada Cusub ee Puntland & Suuqa Xod-xodashada oo Gaartay Heerkii ugu Sareeyay…

Somalia news

Inkastoo ay weli taagan tahay oo aan xal waara laga gaarin Boobkii Liiska Xildhibaanada, ayaa hadda waxaa soo shaac baxaaya in Loolanka Gudoonka Baarlamaanka uu galay marxalad adag, iyadoo la is weydiinaayo hadiiba ay Xildhibaanadu sidan dhaqaale buuran u weydiisanayaan Xilka Gudoomiyaha iyo Kuxigeenadiisa..

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in isku duub ay ku bixi doonto kharash (Laaluush) kor u dhaafaaya ilaa 1.3-Millions US$, iyadoo maanta lagu wado in la doorto Gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisa, iyadoo qiimaha Halkii Xildhibaan codkiisu uu u dhaxeeyo 10-20,000 US$, hadaba maxaa laga filan karaa doorashada Madaxweynaha.

Dhanka kale, iyadoo Magaalooyinka Maamulka Puntland ay wali ka taagan tahay khilaafka arrimaha doorashooyinka , waxaana cabsi badan ay ka jirtaa xaaladda Amni oo si fudud isku bedeli karto maadama aan la hayn wax xal, Warar ayaa sheegaya in Xubno saraakiil ah oo ka kala socda maamulka hadda talada haye iyo xubnaha mucaaradka ayaa shir shalay ku yeesheen magaalada Garoowe oo ay isla soo hadal qaadeen amniga Puntland.

Kulankaan ayaa saraakiishaan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ayaa la isla gartay in Xoogaga isku horfadhiya gudaha magaalada laga kala qaado xaafadaha qaar ee magaalada si looga saaro cabsida Dadka Shacbiga ay qabaan.

298170cookie-checkXildhibaanada Cusub ee Puntland & Suuqa Xod-xodashada oo Gaartay Heerkii ugu Sareeyay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com