USA & Ethiopia Oo Ku Fashilmay Iney Aqoonsi…

Politics

Kulamo wada tashi oo si xiriir ah oo ay yeesheen Qeybo ka mid ah Wakiilada beesha caalamka ayaa lagu go’aansaday in aanay ka qeyb galin caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor., iyadoo dadaalo badan ay Danjirayaasha USA iyo Ethiopia ku bixiyeen sidii looga qeyb geli lahaa xafladaasi.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ukala jabtay seddex garab, iyadoo ay magaalada Dhuuso mareeb ku sugan yihiin laba Madaxweyne halka Magaalada Gaalkacyana ay leedahay mid kale, kuwaasoo xiligaan u kala xiran tahay Magaalada.

Dhacdadaan oo jahwareer ku riday saaxiibada daneeya arrimaha Somalia ayaa waxay horseeday inay ka qaateen go’aan mideysan in aanan midna la taageerin. Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto aya ku guuldareystay inuu ku qanciyo wakiilada inay taageeraan Maamulka Villa Somalia isla markaana ka qeyb galaan caleema saarka..

Waxaa sidoo kale ka biyo diiday in ay magaalada Dhuusomareeb xoog iyo dagaal kula wareegaan taliska AMISOM, taasoo siineysa kooxda Ahlu Sunna in ay si fudud magaalada uga saaraan ciidanka dowladda oo aan ku qanacsaneyn maamulka cusub ee Qorqor.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa inta badan ka talisa magaalada Dhuusa Mareeb balse RW Kheyre ayaa qorsheynaya in dagaal looga saaro kooxda Suufiyiinta magaalada ka hor inta aan la qaban caleema saarka Qoor Qoor.

Hogaanka Suufiyada  ayaa dhankooda ka wada diyaar garow balaaran, waxeyna wacad ku mareen iney iska difaaci doonaan Weerarkaan qorsheysan ee Maamulka Farmaajo diyaariyay, kaaasoo lagu wado inuu qabsoomo ka hor Xaflada Caleemo saarka Mr.Qoorqor.

Dadka degan Galmudug ayaa wajahayo khilaafkii ugu adkaa tan iyo markii maamulkaas la sameeyey afar sano ka hor, waxaana muuqato inaysan jirin ififaalo muujinayo isku soo dhawaansho dhex marto dhinacyada isku hayo maamulkaas oo kala ah Ahlu Sunna, Mr.Xaaf iyo Garabka Farmaajo, waxaana laga cabsi qabaa in gacan ka hadal uu Degaanada ka bilaawdo mustaqbalka dhow.

17350cookie-checkUSA & Ethiopia Oo Ku Fashilmay Iney Aqoonsi…