Howlgal Duqeyn Drones ah oo Lagu Kala Dilay 4-Horjooge oo ka Tirsan Kooxda Shababka..

Somalia news

Ilo wareedyo Amaan ayaa sheegay in 4-Horjooge oo ka tirsan Kooxda Argagixisada Shababka ayaa weerar Duqeyn Drones-ka ah lagu dilay goobo kala duwan, waxaana la sheegayaa in duqeynta hore ay fuliyeen Diyaaradaha (Drones-ka Ciidamada Mareykanka ee fariisinkoodu yahay Garoonka diyaaradaha ee Balidoogle ee Gobolka Shabelada hoose…

Wararka ayaa sheegay in Duqeyntani oo ka dhacday Degaanka Buula Full ee Gobolka Bay Axadii lasoo dhaafay, Horjoogayaasha la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Sheikh Mohamed alias Abu Yahya Madaxdii Sirdoonka iyo Abdullahi Osman Madaxii qeybta Is-qarxinta iyo diyaarinta qaraxyada Miinooyinka, Horjoogahaan ayaa u xilraasnaa xiligaan Howlgelinta Maleeshiyaadka Degaanada Waqooyi-Bari iyo Degaanka Lamu Kenya.

Wararka ayaa sheegay in Horjoogayaashani ay xiligaasi ka qeyb galaayeen Kulan ay Kooxdu u qabtay Dadka Degaanka, sidoo kale  Howlgalka kale oo ka dhacay Degaanka Nuun-Garre oo hoos taga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay laba Horjooge oo kala ahaa, Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa Gudoomiyihii degaanka Bariire iyo Horjoogihi kooxda shabaabka u qaabilsanaa Sakawaatka Beeralayda Saabir.

297490cookie-checkHowlgal Duqeyn Drones ah oo Lagu Kala Dilay 4-Horjooge oo ka Tirsan Kooxda Shababka..