Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Howlwadeeno USA & Israel ayaa xaqiijiyay iney kala hadlern Mas’uuliyiinta Somalia & Sudan si ay u qaabilaan barakicinta Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza iyo sidii loo dejin lahaa Degaano ka tirsan Dalalkaasi, iyadoo la raacayo qorshaha laab la kaca ku dhisan ee Donald Trump…
Wararka ayaa sheegaya in Xiriirada oo ay la yeesheen dalalka Sudan, Somalia waxaa soo raacaya Somaliland, waxa ay ka turjumaysaa sida ay Maraykanka iyo Israel uga go’an tahay inay fuliyaan qorshe si weyn loo cambaareeyey, isla markaana dhaliyey xasaasiyaad iyo Barakicin Qasab ah Dad Degaankooda laga barakicinaayo oo dhana ka ah Shuruucda Caalamiga iyo Damiirka ah.
Sababtoo ah labadaan Dal waa sabool, oo ay aafeeyeen dagaalo sokeeye soo jeedintaan waxay shaki gelinaysaa yoolka uu sheegay Trump ee ah barakicinta Shacabka Gaza si magaaladaasi looga dhigo goob qurux badan. Sida uu xusayo qorshaha Trump ee 2025.