Daacishta Somalia Oo Xayiraado Ku Soo Rogay Ganacsatada Daawada

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo ku dhow Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in Kooxda argagixisada Daacishta Somalia ay ku amreen tiro meherado Ganacsi oo ku dhex yaal gudaha Suuqa Bakaaraha iney albaabada isku dhuftaan kadib markii ay bixin waayeen Baadii laga rabay….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Maleeshiyaad daacad u ah Kooxda Daacish ayaa beegsaday shirkadaha daawooyinka keena dalka ee saldhigoodu yahay Suuqa Bakaaraha, waxaana sababta lagu sheegay in ay dul dhigeen kumanaan dollar oo lacag baad ah oo lagu qasbay inay bixiyaan.

Ganacsatadaan ayaa sheegay in aysan awoodin bixinta lacagahaas waxaana lagu amray in ay joojiyaan shaqada ay haayaan, haddii aysan bixin dhaqaalaha, Mid kamid ah goobaha Ganacsiga daawada oo ka dhagaadeegay islamarkaana furay meherada ganacsiga ayaa dhismihii ay daganeyd lagu xiray qarax miino, kaasoo sababay dhaawaca qof shacab waxa uuna falkaan dhacay todobaadkii hore.

Milkiilayaasha ka ganacsada Daawada qaarkood ayaa sheegay in dowladda Somalia oo canshuur ka qaadata ay daawaneyso dhibka haysta, islamarkaana aysan soo faro-gelin arrintan oo aysan sugin amnigooda.

Wali hay’adaha amaanka kama aysan hadlin arrintaan waxaana la sheegayaa in Daacish ay kordhiyeen cadaadiska ay saarayaan ganacsatada Soomaaliyeed.

111030cookie-checkDaacishta Somalia Oo Xayiraado Ku Soo Rogay Ganacsatada Daawada