Ma Dhabaa In Shirka Ceergaabo Uu Salka ku hayo Qodista Dahabka..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Shirka maalmahaan ka socday degmada Ceeri-gaabo Gobolka Sanaag, Shirkaan oo aan wax shaqo ku laheyn Siyaasad, balse waa lagu qariyay oo magac ahaan ayaa loo isticmaalay….

Wararka ayaa sheegay in Ujeedka Shirkaan uu ahaa heshiis la dhex dhigo Xoogsatada Dahabka Qoda iney urur dhistaan kadibna Shirkad uu maamulka Muuse Biixi la soo heshiis ka hawlgeliyo Gododka laga qodo Dahabka ee Gobolka Sanaag.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Shirkada Taiwan ee dooneysa iney Dahabka laga qodo degaanka u qaado Dalkeeda, iyadoo la sheegay in heshiiska qayb ka yihiin Shirkadaha Dahabshiil iyo Haas.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in 100/80 Dhulka Dahabkaas lagu tuhmayo ama xiligaan ay Shacabka caadiga ah ka qotaan waa Deegaamada Beesha Warsengeli ay degto, Odoyaasha Warsengeli oo uu ugu horeeyo Suldaan Siciid iyo Ganacsatada Beesha, ayuu kala hadlay Muuse Biixi in ay kusoo biiraan Shirkada qaybtoodana la siinayo.

Sida xoguhu sheegayaan Suldaanka iyo Odoyaasha kale ee Beesha Warsengeli waa ogolaadeen in Shirkadu ka hawlgasho Deegaamadooda,waxaana qayb laga siiyay Lacag Xuquuqul Qalin ahayd oo ay Shirkadu ay horay u bixisay.

194890cookie-checkMa Dhabaa In Shirka Ceergaabo Uu Salka ku hayo Qodista Dahabka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com