USA Oo Kenya Weydisatay Iney Duqeyn Ka Fuliyaan Gudaha Dalkaasi

Africa News

Macluumad hordhac ah ayaa laga helayaa qorshe balaaran oo Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo Difaaca Mareykanka ay ku doonayaan iney Duqeymo ka fuliyaan Gudaha dalka Kenya, iyagoo doonaya iney bartilmaameedsadaan Maleeshiyaadka Kooxda Shababka ee ka howlgala Gudaha Dalkaasi…

Xogtaan ayaa warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Mareykanka ay u gudbiyeen Dowlada Kenyacosi ah iney oggolaato in gudaha dalkeeda ay howgalo duqeyn ah ay ka bilaabaan Diyaaradaha dagaalka iyo Drones-ka, gaar ahaan degaanada Soomaalidu ay degto ee Waqooyi Bari (Gaarisa) iyo Degaanada xeebaha (Lamu), Afhayeen u hadlay Mareykanka ayaa sheegay ” iney ka go’an tahay iney ilaaliyaan badqabka Muwaadiniintiisa iyo Ciidamadiisa ka jooga dalka Kenya”.

Saraakiisha Kenya ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan Qorshaha Mareykanka ee howlgalada Ciidamada ee gudaha Kenya, waxeyna sheegeeniney xiligaan ka gaabsanayaan ka hadalka codsigaan, iyagoo sheegay iney socdaan wada tashiyo la xiriira sida go’aan looga gaari karo dalabkaasi.

Qorshahaan cusub ayaa lagu wadaa inuu cadaadis dheeraad ah ku kordhiyo Maleeshiyaadka Kooxda Shababka ee ka howlgala degaanada kor ku xusan, iyadoo sidoo kale la sheegay inuu Ciidamada Kenya ay ku fashilmeen iney hakiyaan Howlgalada Kooxda Shababka.

60970cookie-checkUSA Oo Kenya Weydisatay Iney Duqeyn Ka Fuliyaan Gudaha Dalkaasi