Ma Dhabaa in Maamulka Hargeysa uu ka biyo Diiday Qorshe loo soo Bandhigay

Africa News Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Saraakiisha Ergada aheyd ee ka socotay Dowladda Ethiopia maalmahaan ku maahquulsaneyd dhex dhexaadinta Dhinacyada isku haya gacan ku heynta magaalada Laas caanood, ayaa u muuqataa inuu fashil ku soo dhamaaday kadib markii Maamulka Somaliland ayaa isku fahmi waayeen qaabka loo xalinaayo Colaada…

Wararka ayaa sheegay in Maamulka Muuse Biixi uu ka dhaga-adaygay baaq ay Ergada u jeediyeen iney Xoogagooda fadhiya xerada Gooja cadde ay kala baxaan isla markaasna lagu wada hadlo labada dhinaca magaalada Addis abeba.

Dhanka kale, Maamulka Muuse Biixi ayaa Wafdi u dirtay Dalka Masar waxaana hogaaminaaya Wasiirka Arimaha dibada iyo kan Gaashaandhiga, Labada Wasiir waxay ku sugan yihiin Djibouti sii ay gubayaan magaalada Qaahira.

245920cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Hargeysa uu ka biyo Diiday Qorshe loo soo Bandhigay