Dagaal Beeleed Khasaare badan Geystay Oo Ka Dhacay Galguduud

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Labbo Maleeshiyo beeleed oo shalay ku dagaallamay tuulo lagu magacaabo Barkada ina jiirow, taas oo 13-KM dhanka bari ka xigta deggaanka Laba-galle, oo hoostaga degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud (Galmudug)….

Deggaanada Galmudug, waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey, ku badanayey dagaal beeleedyada khasaaraha badan geysanaya, Dirirta 2-Maleeshiyo, ayaa salka ku heysa, muran dhanka dhulka, taasoo ah mushkilad mudooyinkii ugu dambeeyey halkaasi ka taagneyd.

Dagaalka wuxuu sababay dhimashada 25-Qof iyo dhaawacyada 47-Qof, waxaana ka barakacay guryahoodii dadkii rayidka ahaa, wuxuuna socday ku dhawaad 10-saacadood, welina waxaa is hor fadhiya maleeshiyadii ay dirirtu u dhaxeysay.

Ilaa hadda mana jirto cid kala dhex gashay labada maleeshiyo beeleed, Colaada beelaha ee ku soo noq noqoneysa deggaanada Galmudug, ayaa muujineysa fashilka xooggan ee hareeyey maamulka Qor-qor.

210310cookie-checkDagaal Beeleed Khasaare badan Geystay Oo Ka Dhacay Galguduud
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com