USA Oo Xayiraad Dhaqaale & Mid Safar Ku Soo Rogtay Taliyaha Ciidamada Eritrea

Africa News

Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad ku soo rogtay Abaandulaha Ciidamada Eritrea, oo lagu Eedeeyay inuu kaalin firfircoon ka qaatay xasuuqii iyo tacdiyadii loo geystay Dadka Rayidka ee Gobolka Tigray ee Federaalka Ethiopia…

Wararka ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyada qeybteeda ilaalinta Hantida Dibada ( OFAC) ayaa Cunqabateyn dhaqaale iyo mid Safar ku soo rogtay Gen.Philipos Woldejohannas ahna Taliyaha Ciidamada Difaaca Eritrea, kadib markii lagu Eedeeyay inuu Hogaan u noqday Ciidamada xasuuqa ka geystay Gobolka Tigray intii uu socday duulaanka lagu qaaday Gobolkaasi.

Go’aanka Mareykanka ayaa loo cuskaday amarka fulinta (E.O) 13818, kaasoo ku dhisan la xisaabtanka xuquuqda aadanaha Ee “Magntisky Global), oo lagu beegsado shaqsiyaadka Xilalka haya kuwooda xadgudibyada geysta iyo meel ka dhacyada xuquuqda Aadanaha.

Talaabadaan ayaa u muuqata mid welwel iyo cabsi ka muujiyeen Madaxda Dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Somalia kuwaasoo Saraakiisha Ciidamada Ciidamada ay fuliyaan Amarada qaldan Ee Hogaamiyayaasha Dalka kor ku xusan, iyadoo dhowr jeer oo hore loogu baaqay iney joojiyaan xadgudubyada iyo barakicint ay ku Hayaan Dadka Rayidka ah.

137030cookie-checkUSA Oo Xayiraad Dhaqaale & Mid Safar Ku Soo Rogtay Taliyaha Ciidamada Eritrea