Maamulka Hargeysa Oo Gen.Jaamac Yare Muddo Ku Xayireen Garoonka Hargeysa

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa xayiraado muddo kooban la saaray Gen.Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-Yare) oo doraad ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, kadib markii uu ka tagay Magaalada Mogadishu oo 30-kii sano ee ugu dambeysay ku noolaa…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Gen.Jaamac Maxamed Qaalib 88-sano jir ah ay ku qabteen Xoogaga Amaanka gudaha garoonka diyaaradaha, laguna hayay muddo saacado ah oo kooban Kadibna uu soo fara geliyay Muuse Biixi, markii ay ku wargeliyeen Saraakiisha Amaanka Magaalada Hargeysa.

Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ahaa Sarewyayaasha Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed soo qabtay xilal kala duwan Dowladii Mileteriga uguna caansan Siyaasiyiinta Somaliland ee muddoda dheer u ololeyn jiray Midnimada Somalia, inkastoo uusan wax xil ah ka qaban Dowladaha Federaalka, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan Egeladiisa.

137110cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Gen.Jaamac Yare Muddo Ku Xayireen Garoonka Hargeysa