Kenya Oo Amaro Ka Soo Saartay Adeegsiga Drones Ee Doorashada

Africa News

Hey’adda Duulista & Hawada ee Kenya (KCAA) ayaa ka soo saartay qeylo dhaan adeegsiga Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drones), kuwaasoo la sheegay iney Siyaasiyiinta u adeegsadaan Ololaha Doorashada oo lagu wado in la qabto 9-ka August ee Sanadkaan….

Madaxa Hey’adda KCAA Mr. Gilbert Kibe ayaa sheegay iney Hey’adiisu abaabushay isla markaasna kulan la yeesheen Milkiilayaasha Drones-ka & Howlwadeenada, si loo xisuusiyo welwelka & Xeerarka Amaanka, iyadoo Siyaasiyinta Xildoonka ah ay adeegsaayaan diyaaradaha Yar yar, kuwa Qumaatiga u kaca iyo Dtones-ka, wuxuuna ka digay kororka Diyaaradaha Drones-ka oo khatar ku ah Diyaaradaha iyo Rakaabka.

Mr.Kibe ayaa uga digay Musharixiinta in loo baahan yahay iney taxadar dheeraad ah la yimaadaan adeegsiga Noocyada Diyaaradaha inta ay ku guda jiraan Ololaha Doorashada, wuxuuna xusuusiyay in ”Xeerku uu dhigaayo in ugu yaraan ay 30-mitir u jirtaa halka lagu soo dejinaayo Drons-ka iyo Ditaaradaha Helicopters-ka ah Qof ama dhisme uusan goobta ka dhoweyn”.

Isagoo xusay in xiisadaha ay Shacbigu u qabaan noicyadayaan ay horseedi karaan Shilal hadii ay dhacdo in Diyaaradaha laga dejiyo goobta ololaha doorashada, wuxuu ku adkeeyay iney feejignaan dheeraad ah la yimaadaan Milkiilayaasha Drones-ka oo kor u dhaafaya 200 inta lagu guda jiro ololaha doorashada.

166250cookie-checkKenya Oo Amaro Ka Soo Saartay Adeegsiga Drones Ee Doorashada