Villa Somalia Oo Ciidamo u Diyaarisay Degaanada Sh/Dhexe

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa qorshe balaaran oo ay isla meel dhigeen Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo koox Siyaasiyiin Fashilmay oo ka soo jeeda Beelaha Mudulood ay ku doonayaan sidii Degaanada looga dhisi lahaa Ciidamo taabcsan Maamulka isla markaasna dagaalo ku qaada Ciidamada Taabacsan Xisbiyada Mucaaradka Ee ku sugan Duleedka waqooyiga Magaalada Mogadishu….

Xogtaan ayaa sheegtay in Kadib markii dadaalo (ay wadeen Odayaal dhaqmeed iyo Saraakiil) lagu soo xero gelinaayo Saraakiisha Hogaamisa Ciidamada ku sugan Duleedka Magaalada Mogadishu ay fashilmeen, ayaa xiligaan waxaa soo shaac baxaaya qorshe kale oo Ciidamo lagu uruurinaayo kuwaasoo dhowaan laga bilaabi doono degmooyinka Aadan Yabaal iyo Cadale iyo Degaanada ku xeeran, iyadoo lagu biirin doono Ciidamo kale oo lagu diyaariyay Magaalada Mogadishu, waxaana lagu wadaa iney dagaal ku qaadaan Ciidamada Xisbiyada Mucaaradka taabacsan.

Ololahaan ayaa waxaa hormuud ka ah Ra’iisul wasaarihii Hore Cali Maxamed Geedi iyo Agaasimaha guud Wasaarada Gaadiidka Maxamed Cusmaan Nuur oo loo balan qaaday inuu buuxiyay Booska Xildhibaanimo Ee Wasiirkii Hore Ee Amniga iyo shaqsiyaad kale kuwaasoo aan kalsooni ka heysan Bulshada ay ka soo jeedaan.

Waxaa socda dadaalo aad u balaaran oo looga hortagaayo qorshaha Shaqsiyaadkaan eest ku doonayaan iney Ciidamo ku geeyaan degaanada kor ku xusan, inkastoo warar kale ay sheegayaan in Qorshahaan uu yahay mid laga weecinayo indhaha Shacbiga fashilka ka soo food saaray qabashada Doorashada wadar oggol ah iyo Maamulka Fashilmay uu ka hadlo Ciidamada Somalia ee lagu laayay Gobolka Tigray, Maamulka muddo xileedkiisu waxaa ka harsan 15-maalmood.

88880cookie-checkVilla Somalia Oo Ciidamo u Diyaarisay Degaanada Sh/Dhexe