Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax miino ayaa lala beegsaday gaari uu leeyahay Xubno taageersan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, kaasoo marayay degmada Shibis ee gobalka Banaadir…

Ugu yaraan 4-ilaalo u aheyd ayaa ku geeriyoodeen qaraxaasi sida ay sheegeen ila wareedyo waxaana dhaawacyo kale duwan soo gaareen Xildhibaano hore Muxyadiin Xasan Afrax iyo Xildhibaan hore Xuseen Caraale Cadaan, Waxaana la sheegay inuu jiro khasaare xoogan,kuwaasoo lagu dabiibaayo Isbitaalada Magaalada,

Qaraxa oo ahaa miinada soo boodada ah ayaa ka dhacay agagaarka sarta Beexaani ee degmada Shibis, iyadoo lala eegtay gaari ay la socdeen siyaasiiyiin caan ah, Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda, kuwaasoo bilaabay baaritaano dheeraad ah.

88930cookie-checkQarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Mogadishu