Villa Somalia Oo Khilaaf Cusub Ka Abuurtay Galmudug

Politics

Warbixino hordhaca ah ayaa sheegaya inuu bilaawday qorshihii isbadal loogu sameyn lahaa Laamaha Amniga Galmudug, kadib markii shaki laga muujiyay Wasiirka Amniga oo dhowaan Loo magacaabay Xildhibaan Mucaaradka ka tirsan…

Qorshaha lagu doonayo in isbadal lagu sameeyo Laamaha Amniga Galmudug ayaa yimid kamid markii uu soo shaac baxay khilaaf ba’an oo soo kala dhaxgalay Madaxweyne Qoor Qoor iyo Madaxweyne Farmaajo khilaafkaaso ka dhashay Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu soo daray xubno mucaarad ah.

Waxaa Maanta warbaahinta shir jaraaid u qabtay Taliyaha Saldhiga Magaalada Dhuusamareeb asagoo cadeeyay inuu iska casilay Xilka uu ku magacaabna sababo uu ku sheegay in lasiidaayo eedeysanayaal katirsan ururka Alshabaab.

Waxaa Maamulka Villa Somalia ay dardar geliyeen qorsho balaaran ee la doonaayo in lagu curyaamiyo Maamulka cusub ee Galmudug, hadii uu dhaqan galo in isbadal lagu sameeyo laamaha amniga Galmudug waxaana qorsheysan fulinta labo qodobad ee soo socoto.

-In lagu soo Rogo Magaalada Dhuusamareeb Bandoow iyadoo lagu andacoonayo Caabuqa Corono Virus taaso lagu doonayo inuusan dhicin shirka golaha baarlamaanka Galmudug kaasoo lagu wado in lagu ansixiyo golaha wasiirada cusub.
-In Xeer ilaalinta Qaranka ay dembiyo kusoo oogto Madaxweyne Qoor Qoor kaaso lagu eedeyn doono arrimo musuq maasuq uu geestay inta uu ka tirsana Maamulka Farmaajo.

Mr.Qoor Qoor lama ogo sida uu uga falcelin karo qorshaha qarsoon ee Madaxweyne Farmaajo Maadama Ciidamada Galmudug ku sugan dhamaan ay xukumaan DFS.

32840cookie-checkVilla Somalia Oo Khilaaf Cusub Ka Abuurtay Galmudug