Waaxyaha Caafimaadka Dowladda Oo Lagu Eedeeyay Musuq & Boob…

Health Somalia news

Warbixin ay soo saartay Hey’ada u Doodda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty, ayaa lagu sheegay, iney sare u kaceen heerarka dhimashada Hooyada iyo Dhalaanka ee gudaha Somalia, sidoo kale xarumaha Caafimaadka ee Dowladda oo aan qalabeysnayn, heerarka tallaalka oo hooseeya, iyo kororka cudurrada ka dhasha biyaha ee soo noqnoqda…

Hay’adda daah-furnaanta Aduunka ee Transparency International, musuqmaasuqa ayaa saameyn weyn ku yeeshay waaxda caafimaadka Somalia, waxaana Maamulka Xasan Sheekh loogu baaqay iney baaraan si ay u ogaato sababta ka dambeysa maamul xumada Caafimaadka, si  tallaabo sharci ah looga qaado kuwa Mas’uulka ka ah musuq maasuqo Mashariicda  caafimaadka ee Dalka.

Amnesty ayaa ugu baaqday Hogaanka Dowladda iney daboolaan dhammaan daldaloolada socodka maaliyadeed ee sharci darrada ah, si wax looga qabto  hoos u dhaca waaxda Caafimaadka Somalia, “Waxaa hubaal ah in Somalia ay wajaheyso caqabado amni iyo kuwo dowladnimo. Laakin Kharashaadka Ciidamada oo hadda ah 24% Miisaaniyadda, waa in aysan Somalia ka hor istaagin in ay la jaan-qaado siyaasaddeeda caafimaad iyo baahideeda iyo qoondaynta miisaaniyadeed ee ku habboon. Tani waxay awood u siinaysaa waddanku inuu u hoggaansamo waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo dammaanad qaado daryeel caafimaad oo la heli karo, la awoodi karo, oo tayo leh dadkiisa,” ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty.

334310cookie-checkWaaxyaha Caafimaadka Dowladda Oo Lagu Eedeeyay Musuq & Boob…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *