Tirakoobka Dadka ay Dileen Kooxaha Argagixisada oo la soo Bandhigay..

Somalia news

Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Afrika ayaa soo bandhigtay tirakoobka dadka ku dhintay weerarada kooxaha Argagixisada oo ay ka geysteen Somalia Sanadihii 2021 iyo 2022, Xaruntaan ayaa Warbixinteeda sal uga dhigtay daraasad iyo uruurin Macluumaadka la xiriira falalka Kooxda Shababka..

Waxey Africa Center for Strategic Studies waxa ay sheegtay in sanadkii hore ee 2022 ay kooxda argagixisada Shabaabka weeraro ay geysteen ay ku naf waayeen 2,606 Qof, walow ay ka badneyd tirada dadka kooxdaasi ay nolosha dhaafisay sanadkii kasii horeeyay ee 2021 oo eheyd 6,225 Qof.

Sanadkaan ee 2023-da ee loo dhaw yahay bartamihiisa aad bey u yar yihiin weerarada kooxda marka loo eego sanadihii hore, waxaana taasi ugu wacan culeyska kooxda la saaray, maadaama duulaan culus oo kooxdan lagu qaaday looga qabsaday dhul balaaran oo ku yaala degaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Dowladda Federaalka ayaa qorsheysay in dhawaan ay bilaabanayaan wajiga labaad ee dagaalka kooxda Shabaabka oo ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda Dalalka safka hore, gulufkan cusub wuxuu ku jiheysan yahay deeganada Jubaland iyo Koofur Galbeed , iyadoo xarunta Magaalada Jilib ay noqon doonto bartilmaameedka Duulaankaan.

254920cookie-checkTirakoobka Dadka ay Dileen Kooxaha Argagixisada oo la soo Bandhigay..