Boobka Hantida Qaranka Oo Magaalada Mogadishu Joogto ka Noqtay…

Somalia news

Waxaa Dhaqan lagu faano ka noqtay in Hantida Qaranka, sida Dhulalka iyo Dhismayaasha Dowladda bartilmaameed u noqdeen in laga iibiyo Kooxo Danley ah ama laga kireeyo si looga faa’iideysto Nidaamka jilicsan ee ku dhisan tahay Dowladda Federaalka, talabadaan ayaa Maamuladii isaga dambeeyay Talada Dalka soo wadeen…

Iyadoo Boobkii u dambeeyay lagu qaaday Dhismihii iyo Dhulkii Ururkii Iskaashatooyinka oo la sheegay iney dhismse si sharci darro uga socda Xaruntii hore Iskaashatooyinka Soomaaaliyeed ee Waaxda Barwaaqo ee Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Benaadir, waxaa sidoo kale xaqiiqo ah iney jiraan Dhulal iyo Dhismayaal la bixiyay.

Qoraal uu soo saaray Hantidhowraha ayaa lagu faray Talisyada Boliiska & kan Gobolka iney “In si degdeg ah loo joojiyo dhismaha sharci darrada ah ee ka socda Xaruntii hore ee Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee Degmada Warta Nabada”. Qoraalka ayaa lagu xusin Ganacsatada la siiyay Dhulkaasi iyo Maamulka Bixiyay hadii uu ahaan lahaa kii hore ama kuwa Xiligaan Gobolka Maamula.

256940cookie-checkBoobka Hantida Qaranka Oo Magaalada Mogadishu Joogto ka Noqtay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com