Wararkii ugu Dambeeyay Qaraxa magaalada Beledweyne

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay magaalada Beledweyne, iyadoo la sheegay in ku dhawaad toban qof ayaa ku geeriyoodeen halka 15-kalena ay ku dhaawacmeen…

Wararka ayaa sheegay in markii qof isku soo xiray walxaha qaraxa uu isku dhax qarxiyay goob maqaayad ah magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Goobta qaraxa uu ka dhaxay ayaa ah meel inta badan xafladaha iyo shirarka lagu qabto waxaana lagu magacaabaa Baar Xasan Dhiif waxeyna ku dhagan tahay Buundada liqliiqato.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in dhaawacyo badan la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne islamarkaana khasaare jiro, Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas inkastoo Kooxda shabaab horay weeraro noocaas oo kale ah uga fulisay Beledweyne.

170040cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay Qaraxa magaalada Beledweyne