Wasiir ka tirsan Maamulka Somaliland Oo Caafimaad darro soo Wahajday & Halka lagu Dhabiibaayo oo la Qariyay..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Ciise Keyd ayaa noqday shakhsigii u dambeeyay ee u shaqeeya Maamulka Muuse Biixi muda xileedkeedii dhamaaday oo caafimaad xumo soo wejahday lana qarinayo, Maamulka ayaa horay u qariyay dhaawacyo dagaalka ka soo gaaray Saraakiil…

Mr.Ciise Keyd ayaan xaaladiisa caafimaad sida caadada u noqotay xukuumada Muuse Biixi aan loo soo bandhigin saxaafada iyo halka lagu daweynayo, iyadoo Magaalada Boston ayaa waxa ku sugan Jaaliyado tiro badan oo ka soo jeeda degaanada SSC, waxaana naloo sheegay in ay bulshadaasi haatan isu abaabuleyso sidii ay Mareykanka ugu soo bandhigi lahaayeen aragtidooda ku wejahan joogitaankiisa, daweyntiisa iyo masuuliyada dembiyada dagaal ee ka dhacaya Laascaanood.

Ilo wareedyada qaar ayaa noo sheegay in maalmihii u danbeeyay ay qoyska wasiirku dareemeen dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah ee bulshadu wado ila markaana ay dhici karto in Hargeysa uu ku dhameysto dawooyinkiisa.

Qoyska Wasiirka ayaa haatan ka walaacsan suurtogalnimada in lagu soo oogo dembiyada dagaal ee Laascaanood in badan oo ka mid ah dusha loo saaro Wasiir Ciise Keyd, bacdamaa uu isagu noqday shaqsiga loo adeegsaday la xiriirida beesha caalamka iyo iibinta beenta iyo marin habaabinta Maamulka Muuse Biixi.

251880cookie-checkWasiir ka tirsan Maamulka Somaliland Oo Caafimaad darro soo Wahajday & Halka lagu Dhabiibaayo oo la Qariyay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com