Warbaahin Xoog Loo Adeegsaday..

Politics

Maleeshiyaad ka amar qaata Garabka Villa Somalia ee sheegtay Madaxweynaha Mr.Qoorqoor ayaa xiray Radio Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb, xilli Idaacada hawada ku jirtay..

Maleeshiyaadkaan ayaa xalay gudaha u galay Xarunta Radio Galmudug, iyagoona hawada ka saaray idaacadda, kuna wargeliyay Maamulka & Shaqaalaha idaacadda inaanay sii shaqayn karin.

Radio Galmudug ayaa ku dhex yaala Xaruntii hore ee gobolka, waana goobta uu iminka degan yahay Madaxweyne Qoorqoor, isla-markaana uu u xushay inay noqoto Madaxtooyada uu ku shaqayn doono. 

Nin Wariye ah oo magaciisa sababo amni uga gaabsaday ayaa inoo sheegay in Radio Galmudug uu dhexdhexaad ka ahaa arrimaha siyaasadda Galmudug, balse ay taasi ka careysiiyay Madaxweynaha 2dii bishan lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb.

“Idaacadda si dhexdhexaad ah ayay ugu adeegi jirtay saddexda Madaxweyne ee midba midka kale uu sheegto inuu yahay Madaxweynaha Galmudug, arrintaas ayay qoladaan diideen, oo idaacadda ay sababsatay in loo xiro.” Ayuu yiri Wariyahan oo degan Magaalada Dhuusamareeb.

Wariyaha ayaa ereyga uu dhibsaday Mr.Qoorqoor waxaa uu ku sheegay “Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda”, waana midda Madaxweynaha ku riixday inuu albaabada isugu laabo radiyahan, xilli uu radiyahaasi kala mid ahaa inta badan warbaahinta xorta ahi ee dalka ka hawlgasha.

Waa idaacadii ugu horeysay oo laga joojiyo hawshii ay u haysay bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, mudada labaatanka cisho ee uu xilka ku magacaaban yahay Madaxweyne Qoorqoor.

Tallaabada hawada looga saaray Radio Galmudug ee Xaruntiisa Dhuusamareeb ayaa imaanaysa, xilli Madaxweyne Qoorqoor aanu weli xilka la wareegin amaba loo caleemo saarin, dadkuna uu ku kala aragti duwan yahay madaxtinimadiisa.

18720cookie-checkWarbaahin Xoog Loo Adeegsaday..