Qaraxyo Ruxay Caasimada Ethiopia

Politics World

Saddex qarax oo xoogan ayaa Gilgilay caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa, iyadoo warar hordhaca ah ay sheegayaan tiro dad ah oo aan weli la ogeyn ay ku naf waayeen, waxaana weli ka socda dibad-baxyo ka dhashay dilka fanaan caan ah….

“Waxaa dhintay qaar ka mid ah kuwii qaraxa aasay iyo dad kale oo shacab ah,” waxaa sidaas yiri madaxa Boliiska Endeshaw Tasew, Sarkaalka ma uusan bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan qaraxyada, hase yeeshee waxa uu intaas ku daray in sidoo kale sarkaal Boliis lagu dilay iska horimaad dhex-maray Xoogaga amaanka iyo dibad-baxayaasha.

Rabshadaha ayaa yimid kadib markiiIsniintii la dilay Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa fanaan Oromo ah kuna caan-baxay heeso mucaarad ah kaasi oo la toogtay 9:30 pm.

Haacaaluu, oo ahaan jiray maxbuus siyaasadeed, ayaa caan noqday intii ay socdeen dibad-baxyadii dheeraa ee dalkaas ka dhacay, kuwaasi oo horseeday in Abiy Ahmed uu xafiiska yimaado 2018.

Dhinaca kale ugu yaraan sided qof ayaa lagu dilay 80 kalena waa lagu dhaawacay magaalada Adama, halkaas oo sidoo kale ay ka dhaceen dibad-baxyada looga soo horjeedo dilka heesaaga.

Adama ayaa waxa ay 90km koonfur bari ka xigtaa magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa.

45200cookie-checkQaraxyo Ruxay Caasimada Ethiopia