Warbixin Daaha ka Rogeysa Kororka Weerarada Kooxda Argagixisada Shababka & Qorshe xumida Hogaanka Dalka..

Somalia news

Warbixin ay soo diyaarisay Hay’ad cilmi-baaris oo caan ka ah Somalia oo ayeey ku falanqeysay dhaq-dhaqaaqyada amni-darro ee Dalka ka jira muddadii uu xilka hayay Madaxweynaha Dowlada Federaalka May 2022 ilaa May 2024, Warbixintu waxey sawir xun ka bixinaysaa khatarta sii kordhaysa ee kooxda Shabaabka, wax qabad la’aanta Xulafada, Howlgallada qorshahoodu liito, iyo guul-darrooyinka Siyaasadda iyo Hogaanka dalka ee wiiqay xasiloonida iyo Amniga Dalka…

Kororka Weerarada iyo Qaraxyada Kooxda Shababka:-

Weerarada kooxda Argagixisada Shabaka oo sii kordhay Waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee kasoo baxay warbixinta ayaa ah kororka laxaadka leh ee weerarada Kooxda intii uu xilka hayay Hogaanka Dalka, Xogtu waxay daaha ka qaadaysaa in kooxdan xagjirka ahi aanay xoojinaynin oo kaliya hawlgalkeeda weerarka balse ay si xeeladaysan u bedeshay xeelado dagaal badan oo saamayn badan leh, sida weerarada tooska ah iyo isticmaalka badan ee walxaha qarxa (IEDs).

Sida Warbixintu muujineyso Tirada weerarada Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa kor u kacday 75%, celcelis ahaan 280 sanadkii 2020-2021 ilaa 490 sanadkii 2022-2023. Sidoo kale, isticmaalka IED-yada waxa uu ka marag kacay koror 50% ah, iyadoo shilalku ay kor uga kaceen celcelis ahaan 166.5 sanadkii 2020-2021 ilaa 249.5 sanadkii 2022-2023.

Waxqabad la’aanta Howlgallada Isbahaysiga Warbixinta ayaa sidoo kale su’aalo culus ka dhalisay waxtarka howlgallada isbaheysiga ah ee lagu wiiqayo awoodda Maleeshiyaadka Shababka ee dhimista maamulida dhulalka, Iyadoo xogtu ay muujinayso koror yar oo ku yimid duqeymaha cirka iyo weerarada ciidamada gaarka ah inta lagu guda jiro mudada uu xilka hayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka, ayaa saameynta dadaalladan ay ku yeelanayaan guud ahaan awooda kooxda iyo saameynta ay ku yeelanayaan waa mid xadidan.

Saameynta Xoogaga Hubeysan ee Degaanada:-

Falanqeynta Warbixintu ayaa waxay daaha ka qaadaysaa in Siyaasadda Dowladda ee hubeynta Xoogaga Beelaha (Macawisley), si ay uga hortagaan kooxda Argagixisada ay ka dhalatay natiijo aan la fileynin iney sii xumeeyern sawirka colaadaha Qabaa’ilka iyo hurinta dagaalo hor leh, Warbixintu waxay muujinaysaa koror laxaad leh oo 163% ah oo ku yimid dagaal beeleedyada, laga bilaabo 41 sanadka 2020 ilaa 108 sanadka 2023, taasoo hoosta ka xariiqaysa khatarta la xiriirta istaraatiijiyaddan iyo saameynta ay ku leedahay Amniga Dalka.

Guuldarrooyinka Siyaasadeed iyo Hogaanka:-

Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay fashilka siyaasadeed iyo mida hogaamineed ee wiiqay xasiloonida Dalka, isla markaana caqabad ku noqday dadaalada lagula dagaalamayo Shabaabka, Warbixintu waxay dhaleecaysay sida khaldan ee uu Madaxweynaha u maareeyay habraaca wax ka bedelka dastuurka, taasoo sii xoojisay kala qaybsanaan siyaasadeed iyo inay xumaato xiriirka uu la leeyahay qaybaha muhiimka ah ee Gobolada Dalka.

326920cookie-checkWarbixin Daaha ka Rogeysa Kororka Weerarada Kooxda Argagixisada Shababka & Qorshe xumida Hogaanka Dalka..