Ciidamada Galmudug Oo Dib Uga Gurtay Degaano

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Ciidamada Dowladda gaar ahaan qaybta 21aad ee ciidanka Xoogga dalka iyo ciidan sida gaar ah u tababaran ee GORGOR ayaa dib uga laabtay deegaanadii ay ka dhawaan kala wareegeen ee Sinadhaqo iyo Labi-dule ee koofurta Dhuusamareeb waxaana dib ula wareegay Shabaabka…..

Ciidamadaan ayaa saldhigyo ka samaystay deegaanka Ceeldheere oo u dhexeeya Dhuusamareeb iyo Guriceel iyo garoonka Diyaaradaha magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, Dadka deegaanka ayaa iswaydiinaya sababta keentay in ciidanka Xoogga dalka ay soo baneeyaan deegaanadii Al Shabaab kala wareegeen dibna uga laabtaan saldhigyadooda ku yaalla magaaladda Dhuusamareeb.

Sarkaal ka tirsan Qaybta 21 aad oo magaciisa diiday in aan xigano ayaa sheegay in ciidanka ay dhamaan ka soo bexeen deegaanada Koofurta ka ah Dhusamareeb ayna ku suganyihiin Garoonka diyaaradaha iyo wadada laamiga ah ee xiriirisa Dhuusamareeb iyo Ceeldheere ee gobolka Galgaduud.

“Ciidanka waxa ay bilaabeen in ay ka soo lugeeyaan Sinadhaqo iyo Labi-Dule ayna soo aadaan Dhuusamareeb, marka waxaa laga cabsaday iney Kooxda Shabaab dhexda u galaan waxaana go’aansanay in aan saldhigyadeena difaaco “ ayuu yiri sarkaalka.

Ciidamada ayaa sidoo kale baxay deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug halkaasoo ay Kooxda Shabaab dib ula wareegeen, waxaana lagu Eedeeyay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Kan Galmudug ee Qorqor iney ka gaabiyeen howlaha loo igmaday. Waxaa kaloo la sheegay inuu Khilaaf Xoogan u dhaxeeyo Saraakiisha Ciidamada, Farmaajo iyo Qorqor.

112480cookie-checkCiidamada Galmudug Oo Dib Uga Gurtay Degaano