Wargeys Lagu Xukumay Ganaax Lacageed

World

Wargeyska The Daily Mail ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Britain ayaa lagu Xukumay ganaax lacag dhan 15,000 oo Geniga UK iyo Kharashka Dacwadaha, kadib markii ay Hay’ad Islaami ah ku eedeeyeen inay Muhaajiriinta Soomaalida u soo tahriibiyaan Dalka UK iyo Europe…

Wargeyska waxa uu bishii December 10-dii ee sannadkii hore ee 2020-kii qoray Maqaal ku xiriirinaayo Hay’adda Samafalka ee Al-Khair Foundation ee Xarunteeda Dhexe ku taallo dalka UK inay Soo galootiga Soomaalida ka taageeraan sidii ay u soo gaari lahaayeen dalka UK.

Waa markii 2-aad ee ay Hay’adda Al-khair loo xukmiyo dhaqaale Magdhow ah oo la xiriirta Warbixinta beenta ee ay qaar ka mid ah Warbahinta UK ka faafiyeen.

Bishii April ee sannadkan, Wargeyska kale ee The Times waxay oggolaadeen inay bixiyaan Ganaax lacageed oo dhan 50,000 oo Giniga Ingiriiska, Kharajka Dacwadaha iyo inay bixiyaan Raalli-gelin Daabacan, kadib markii ay Hay’adda Samafalka ee Al-Khair Foundation ka qoreen Warbixin aan raad lahayn oo ku aadan inay Hay’addaasi ku lug leedahay Is-xambaarka Soo galootiga ku sugan dalka Giriiga.

128400cookie-checkWargeys Lagu Xukumay Ganaax Lacageed