Gabdho Laga Xiray Lascaanood Oo La Geeyay Berbera

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro gabdho iyo Wiilal ay ka qabqabteen gudaha Magaalada Laas caanood isla markaasna gaadiid lagu geeyay Xabsi ku yaal Magaalada Berbera, Dhalinyaradaan ayaa lagu eedeeyay iney ku lebistaan Calanka Soomaaliyeed…

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiyada Haweenka ee Gobolka Sool ayaa dalbaday in Magaalada Laas caanood lagu soo celiyo Dhalinyaradaan (Arday) laga Afduubtay Magaalada laguna xiray xabsi ku yaal Magaalada Berbera, hadii kale ay talaabo ka qaadi doonaan.

Garaad Jaamac Garaad ismaaciil ayaa sheegay ineysan dembi aheyn in la xirto ama la qaato dhar ku midabeysan Calanka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi raaciyay “Ardeydaan Waa in si deg deg ah loogu soo celiyaa Magaalada Laas caanood isla markaasna xoriyadooda la siyaa, maxaa yeelay Dembi ma ahan Calanka Soomaaliyeed oo ay xirteen, waana in aan meel looga dhicin xuquuqda Qofka Muwaadinka ah”.

Magacyada Gabdhaha la xiray:-

-Ubax Maxamed Cabdi

-Najaax Suleymaan

-Kaltuum Maxamed Axmed

-Adna Maxamed Cali

—Najma Jumcaale Cabdi

-Fowsiya Aadan Xuseen

-Xayaat Xasan Cige

-Muna Kooreeye.

Fiiro gaar ah:- Sidoo kale tiro Gabdho ah ayaa lagu hayaa xabsiga Magaalada Hargeysa, kuwaasoo laga soo qabtay Magaalada Boorame.

128430cookie-checkGabdho Laga Xiray Lascaanood Oo La Geeyay Berbera