Xiisadaha Siyaasadeed Ee Villa Somalia & Jubbaland Oo Dib u Qarxay

Somalia news

Xiisadaha Siyaasadeed Ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday (Farmaajo) kan Jubbaland (Sheekh Axmed) ayaa dib u Qarxay kadib markii laba diyaaradood oo u kala socday Kismaayo iyo Garbahaarey sababo kala duwan loo joojiyay…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in diyaarada Blue Sky laga soo celiyay shalay Hawada Magaalada Kismaayo, kadib markii lagu wargeliyay Duuliyaha inuusan fasax heleynin hadii uu sido La-taliyaha Doorashada Farmaajo (Cabdi Cali Raage), iyadoo diyaarada dib ugu noqotay Mogadishu.

Diyaarad kale oo u socotay Magaalada Garbahaarey ayaa shalay Baaqatay kadib markii Horjooge Cabdulahi Kulane (Jiis-Mareexaan) oo wakiil uga ah Farmaajo Gobolka Gedo uu diiday in la soo qaado 2-xubnood, kuwaasoo la sheegay in Xildhibaan Hore ahaa iyo xubin loo waday in loo magacaabo Gudoomiyaha Degmada Garbahaarey ee xiliga Doorashada.

Sidoo kale Mas’uul kale oo ka soo jeeda Gobolka Gedo oo Mucaarad ku ah Siyaasada Farmaajo loo diiday inuu gaaro Magaalada Garbahaarey, waxaana soo shaac baxaaya in Xoogaga NISA Ee Garoonka diyaaradaha ay noqdeen kuwo u adeega Villa Somalia.

Dadaalada uu waday Rooble Ee xiisada Jubbaland ayaa la sheegay iney talaabooyinkaan Safar diidka ah ay dib u dhac ku keeni doonaan Doorashada dadban ee Dalka, isla markaasna horseedi kara in dagaalo sokeeye ay dib uga Qarxaan Degaanada Jubbaland, hadii aan xal deg deg ah laga gaarin.

128370cookie-checkXiisadaha Siyaasadeed Ee Villa Somalia & Jubbaland Oo Dib u Qarxay