Wariye Julian Assange Ee WikiLeaks oo lagu wado in la sii daayo Arbacada..

World

Aas-aasaha website-ka WikiLeaks, Julian Assange ayaa lagu wadaa in todobaadkaan uu qirto inuu dambi galay kuna xadgudbay sharciga basaasnimada Mareykanka, qirashadaasi oo uu ku baddalanayo in laga sii daayo xabsiga uu ku xiran yahay ee dalka Ingiriiska, kaddibna dib loogu celin doono dalka uu u dhashay ee Australia…

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa dukimintiyo ay Isniintii u gudbiyeen maxkamadda ku taal Jasiiradaha Mariana ee Pacific ee uu maamulo Mareykanka, in Assange oo 52 jir ah uu ogolaaday inuu qirto dambiga kaliya ee lagu soo oogay oo ah inuu maleegayay, inuu helo oo uu shaaciyo dukumeentiyada difaaca qaranka Mareykanka ee sirta ah.

Muddada todobada sano ee uu xirnaa ayaa la filayaa inuu loo xisaabiyo xabsi uu qaatay, kaddibna la fasaxo, Website-ka WikiLeaks ayaa sannadki 2010-kii baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo sir qaran ah oo ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka.

Dukumintiyadaasi ayaa u badnaa kuwa millatariga Mareykanka ee dagaalladi Afghanistan iyo Iraq. Dusinti sirta milatari ee Mareykanka ee Wikileakes ayaa noqday kugu ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka.

333320cookie-checkWariye Julian Assange Ee WikiLeaks oo lagu wado in la sii daayo Arbacada..