Midowga Europe Oo Howlgalka Ciidamadooda ee Xeebaha Somalia u Kordhiyay

Africa News World

Sida ay qoreen Warbaahinta, Midowga Europe ayaa go’aansaday inuu mudada u kordhiyo Ciidamadooda Badda ee la magac baxay “Atlanta”, ee ka howlgala Xeebaha Somalia, iyagoo sheegay in Howlgalkaan uu socon doono ilaa 31-Decembar 2024…

Go’aankaan muddo kordhinta ee Howlgalka ayaa daba socday dib u eegis Stratejiyad ah oo lagu sameeyay doorka Midowga Africa, iyadoo la xoojinaayo Xaalada Amni ee Xeebaha Somalia, inkastoo muddo sanado ah aysan ja dhicin Fal burcadeed ah oo Maraakiibta Ganacsiga Afduub u geysanaaya.

https://maritime-executive.com/article/eu-extends-naval-operation-combating-piracy-off-somalia-through-2024

Dhanka kale, Go’aan ay soo saareen EU-da ayaa meesha ka saaraya in Somalia & Xeebaha Badweynta Hindiya ay yihiin goobo khatar ah oo ay ka howlgalaan Burcad badeed, Warbixin ay soo saareen ayeey ku sheegeen iney ku guuleysteen ku dhowaad 171-burcad badeed kuna wareejiyeen Mas’uuliyuinta Degaanka, halka 12,720 kiilo oo Mandooriye ah la qabtay.

235740cookie-checkMidowga Europe Oo Howlgalka Ciidamadooda ee Xeebaha Somalia u Kordhiyay