Sidee Loo Xakameeyaa Mas’uuliyiinta Soomaalida Oo igu sawir u taga Xeyndaabka Xalane

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay Dhaqan xumo liidata oo aan haba yaraatee meelna ka soo gelin Hab-maamuuska Dowliga ah, iyadoo Saraakiisha Dowladda Federaalka ay faan moodeen iney saf u galaan isla sawirda Wakiilada Caalamka u fadhiya Xeyndaabka Xalane iyo agagaarka garoonka Diyaaradaha ee Mogadishu…

Hab-dhaqankaan hooseeya ayaa isu faan iyo tartan safaf maalmo iyo todobaadyo la sugo ka noqday Mas’uuliyiinta Dowladda, waxeyna si aan xishood laheyn u dayaceen madax banaanida siyaasadeed iyo hanka Qarankeena, iyadoo aysan muuqan cid xakameyneysa sharaf dhacaan Qiimaha Qaranka Soomaaliyeed, waxaana hormuud u ah Madaxweynaha, Wasiirka 1-aad, xubnaha Golaha Wasiirada iyo kuwo kale ee xilalka Dowlada haya, iyadoo saraakiisha Safaarada shisheeye saameyn iyo fara gelin ku hayaan siyaasada arrimaha gudaha ee Dalka ay martida ku yihiin.

Safaaradaha USA, UK iyo kuwa EU-da kuma dhaqmaan heshiiskii Vienna ee qalinka lagu duugay 1960-kii, waxeyna u dhaqmaan Gudoomiye Gumeysi,  sidoo kale hab-dhaqankooda ma waafaqsana halbeegyada Diblomaasiyadda ee Caalamiga ah, maahmaah Soomaaliyeed ayaa oraneysa “Ishiisa laga arkaa ulshiisa lagu dilaa”.

Nasiib daro waxaa noogu filan in Qarankeenu u gacan galay Dad aan fahamsaneyn xilka ay hayaan iyo miisaankaankiisa, Waxaa wax wayn oo in Image laga sameeyo oo loogadii Baarlamaanka la dulsaaro laga dhigay in lala hadlay qof ay ahayd inay Junior ka

Maxkamadaheenu ku da rajo ah. (Duf ku baxa Doqontiyeey)!!

229030cookie-checkSidee Loo Xakameeyaa Mas’uuliyiinta Soomaalida Oo igu sawir u taga Xeyndaabka Xalane