Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Oo ku Sii Jeeda Magaalada Kismaayo & Sababta..

Somalia news

Waxaa lagu wadaa in maanta uu magaalada Kismaayo uu gaaro Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Xamse Cabdi iyo Wafdi uu Hogaaminaayo kuwaasoo lagu wado iney Qabooniyaan xiisado u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo khilaaf soo kala dhex galay…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu ku amray Xoogaga Masmulkiisa in Hub ka dhigis qasab ah lagu sameeyo Ciidamo Xoojin ah oo bilihii ugu dambeeyay laga qaaday magaalada Mogadishu kuwaasoo qaarkood ay haatan ku xayiran yihiin xeryo ku yaal magaalada Kismaayo iyo dukeedkeeda.

Xiisadaan ayaa la xaqiijiyay iney faraha ka baxday iyadoo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka ay ka soo baxeen aagaga Dagaalka ay ku jireen kadib markii hubkii laga dhigay, Waxeyna ku eedeeyeen Maamulka Axmed Madoobe inuusan rabin in Degaanada laga sifeeyo Kooxaha Argagixisada, xiisadaan ayaa la sheegay iney Mr.Xamse uu soo fara geliyay lamana oga sida uu xal waara uga gaari doono.

337520cookie-checkWasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Oo ku Sii Jeeda Magaalada Kismaayo & Sababta..