Deni Oo Ka Hadlay Banaanbaxyadii Garoowe

Somalia news

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku tilmaamay mudaharaad shalay ka dhacay magaalada Garowe inuu ahaa qorshe siyaasadeed oo lagu suurad xumaynayay amniga Puntland xilli shir weyn lagu qabanayo Garowe….

Mr.Deni ayaa sheegay in Banaanbaxaasi lagusoo beegay xilli ay Garowe imaanayeen madax kala duwan oo ka socotay dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiin, kuwaasoo ka qeyb galaya shir ahmiyad weyn xambaarsan oo Garowe loogu doortay amniga ka jira darteed.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in ay tallaabo ka qaadayaan shakhsiyaadka soo ababulay mudaharaadkaas oo uu sheegay in lagu burburiyay hanti dowladdeed sawir qaldana ka gudbiyay amniga magaalada Garowe.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa soo saaray go’aamo wax looga qabanayo diidmada lacagta shilinka Soomaaliga, isagoo amar ku bixiyay in maamulka 10% uu lacagta shilin Soomaaliga ku qaadidoono canshuurta ilaha dakhliga.

82280cookie-checkDeni Oo Ka Hadlay Banaanbaxyadii Garoowe