Ma Dhabaa in Madaxweynaha Jubbaland Uu ka Kireeyay Jasiirado Dalka UAE

Somalia news

Macluumaad ayaa muujinaaya in qeylo dhaan ay ka soo baxeyso Warar sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu wajahaayo dhaliilo ka dhashay wada hadalo qarsoodi oo uu la galay Dalka Imaaraad Carabta kuna aadan Kireynta 2-Jasiiradood oo ku dhow Xeebaha Kismaayo…

Xogtaan ayaa sheegtay in Heahiiskaan uu muddo si qarsoodi ah u soo socday waxaana la sheegay in Kireynta Jasiiradahaasi ay ku kaceyso 800-Millions US$ muddo 50-sano ah, iyadoo walaac laga muujiyay sida uu ansax ku noqon karo ku tagri falka Hantida Qaranka.

Ilo wareedkaan ayaa tilmaamay in Jasiiradaha uu Axmed Madoobe Kireeyay lagu magacaabo Koyaama (a 6.38 km²) oo xeebta Kisanaayo u jirta 1,5-Km iyo Chovaya (5.46 km²), oo ka mid ah Bajuuni Island, mana jiraan Dad degan balse waxaa si KMG ah u taga Kaluumeysatada Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka ayaa la sheegay iney ka gaabsatay ka hadalka Kireynta Jasiiradahaan oo lagu Eedeeyay Axmed Madoobe kaasoo ka door biday Dhaqaale unuu si sharci darro ah u kireeyo Jisiiradaha kor ku xusan, Dalka UAE oo horey loogu eedeeyay in laga Kireeyay Dekedaha Berbera, Booaaso ayaa hadda waxey doonayaan in loogu daro Dekedaha Kismaayo & Baraawe.

246780cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha Jubbaland Uu ka Kireeyay Jasiirado Dalka UAE